Kenya oo dhexda u xiratay inay heshiisiiso Seeraar & Axmed Madoobe

Dowladda Kenya ayaa wado qorshe xal kama dambays ah loo gaarayo khilaafka ka jira maamulka Jubbaland, kaas oo u dhaxeeya Axmed Madoobe iyo hoggaamiyaasha Isbedel doonka ah.

C/naasir Seeraar oo sheegta inuu yahay madaxweynaha Jubbaland ayaa qiray inuu jiro qorshe Kenya ay ku dhex dhexaadinayso madaxda maamulka Jubbaland iyo kooxda isbedel doonka ah, kaas oo ujeedkiisu tahay sidii looga sii amba qaadi lahaa horumarka deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo C/naasir Seeraar ayaa isku arkay magaalada Nairobi halkaasi oo uu ka bilowday dhaq dhaqaaqa labada hoggaamiye lagu heshiisiinayo.

Waxaa soo haray C/rashiid Xidig oo kamid ah mas’uuliyiinta isbedel doonka ah, wuxuuna ku adkaysanayaa in ilaa uu isbedel muuqda ka dhaco Jubbaland uusan mowqifkiisa ka tanaasuli doonin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s