Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Mursal iyo Madasha Xisbiyada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xalay hoygiisa waxaa uu casho sharaf ugu sameeyay Hoggaanka iyo Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran.

Kulankan ayaa ahaa kii u horeeyay ee dhex maray Guddoomiye Mursal iyo Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore.

Labada dhinac ayaa uga hadlay xaalada dalka, iyo sida loo wajahayo ee ugu habboon ka guul-gaaridda caqabadaha siyaasadeed ee jira.

Madasha Xisbiyada qaran ayaa Guddoomiye Mursal la wadaagay cabashadooda la xiriira qodobkii muddo kororsiga ee ku jiray sharciga doorashooyinka, waxaana ay Guddoomiye Mursal uu u xaqiijiyay in qodobkaas meesha laga saarayo.

Ugu dambeyn Kulanka ayaa la isku afgartay in danta ay Soomaaliya ku jirto gacmo wadajir ah looga shaqeeyo, iyadoo ay muuqato in Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Baarlamaanka inuu ka dhex bilowday xiriir cusub oo siyaasadeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s