Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia oo la kulmay James Swan Maxayse ka wada hadleen

Kulan gaar ah ayaa dhexmaray Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midowbay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Safiirka dawladda Imaaraatka Carabta u jooga Soomaaliya Maxamed Cuthmani oo ka dhacay xarunta safaarada Imaaraatka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Warar hoose ayaa sheegaya in kulanka looga wada hadlay arrimaha waa weyn ee xagga siyaasadda ee dalka Soomaaliya, gaar ahaana Ammaanka, Doorashooyinka, waxaana kulankan aan goobjoog ka aheyn Saxaafadda.

Safiirka dawladda Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Cuthmani ayaa dhawaan la kulmay wasiirka arrimaha dibada ee dalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, waxaana looga hadlay xariirka labada dal kulankaas.

Is aragan Qaramada Midowbay & Imaaraatka Carabta ayaa kusoo beegmaya xili shalay warbaahinta dalka Turkiga ay eeda qarax ka dhacay Muqdisho dusha ka saartay dawladda Imaaraatka Carabta, waxaana Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ay shalay shaacisay in dal Shisheeye uu lug weyn ku lahaa weerarkaas.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa mugdi galay, iyadoo Imaaraadku hakiyay howlihii uu ka waday Soomaaliya sida saldhiggii tababarka ciidamada ee ay gacanta ku hayeen, Isbitaalkii iyo howlihii kale diblomaasiyadeed.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s