Safiir Ahmed Kayse Ducale oo ka mid ahaa Hormoodkii Xornimada Soamliland oo Maraykan ku Geriyooday

(Diplomat; AXMED-KAYSE CABDALE DUCAALE ) ayaa

Maanta 08/01/ 2020  ku geeriyoodey. USA Gobolka Arizona o u ku noolaa waayadii dambe.

Waxa uu ka mid ahaa hormoodkii SNL. Waxa uu xubin ka ahaa weftigii London loo diray ee qaadashada gobannimada soo saxeexay.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Axmed-kayse Cabdalla Ducaale waxa ay metelayeen SNL, Cali Garaad Jaamac iyo Xaaji Ibraahim Nuur na waxa ay metelayeen USP, AHN, idilkood maanta aakhiro ayay ku wada maqan yihiin oo Axmed-keyse ayaa u dambeeyey.

Axmed-keyse waxa uu ka mid ahaa barlamaankii ugu horreeyey ee Somaliland ee Feb 1960 la doortay. Burco ayuu ka soo baxay. Waxa uu xubin ka ahaa afartii wasiir ee ugu horreeyey ee Somaliland, waxanu noqday wasiirkii ugu horreeyey ee beeraha markii uu is raacu dhacay ee Hargeysa iyo Muqdisho ku mudoobeen jamhuuriyadii Soomaalida, 1st July 1960.

Axmed-keyse waxa uu iska casiley xilkaas wasiirnimada ka dib markii ay xukuumaddii Aadan Cabdalle Cismaan is la garan waayeen qorshihii siyaasadda beeraha ee jamhuuriyaddii curdinka ahayd.

Danjire ayuu muddo ahaa Axmed-keyse, waayadii dambena waxa uu ku noolaa USA oo uu maanta xaqii ku haleelay. AHN. Aamiin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s