Qaar kamid ah beelaha deegaanada Galmudug ayaa ergooyin u diray magaalada Gaalkacyo oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf

Qaar kamid ah beelaha deegaanada Galmudug ayaa ergooyin u diray magaalada Gaalkacyo oo uu ku sugan yahay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, kaas oo Gaalkacyo kaga dhawaaqay dhismaha maamulka Galmudug.

Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo gaadhay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanada Galmudug qaarkood, kuwaas oo kasoo horjeestay xildhibaanadii shalay lagaga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Qaar kamid ah guddiga doorashooyinka Galmudug ee dhanka madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in ay bilaabi doonaan shaqooyinka loo igmaday isla markaasna aysan aqoonsanayn xildhibaanada lagaga dhawaaqay Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ay taalo gogol lagu dhisayo Galmudug loo dhan yahay dowladda dhexena ay hareer martay dhismaha Galmudug.

Khilaafka ka taagan dhismaha Galmudug ayaa xoogaystay maalmihii ugu dambeeyey kadib markii la badalay qaar kamid ah odayaashii saxiixayaasha ka ahaa Baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s