Xeer ilaalinta Puntland oo shaacisay wakhtiga la toogan doono ragii kufsaday Caasha Ilyaas

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa Puntland TV u xaqiijiyay wakhtiga la fulin doono xukunkii dilka ahaa ee maxkamaddaha Puntland ku xukumeen saddexdii nin ee kufsaday Caasha Ilyaas Aadan.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11/02/2020 marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo goobta laga fulin doonana ay tahay Boosaaso.

Shalay ayey ahayd markii ku simaha gudoomiyaha ahna gudoomiye ku xigeenka maxkamadda sare ee Puntland Nuur Ciise Maxamed uu sheegay in saddexdii xukmane ee dhibaatada u gaystay Caasha Ilyaas ay dibu eegis ka qaateen xukunkii kama dambaysta ahaa ee maxkamadda sare ay ku riday, balse dibu eegistaasi ay mar kale laashay maxkamaddu taas oo ka dhigan in xukunkaasi uu fulin suge yahay isla markaasna sababaha ka dambeeya in xukunkaasi la fulin waayana ay tahay in ay weeli xafiiska xeer ilaalinta Puntland ka sugayaan galkii xukun fulinta oo ay ku lifaaqan yihiin warqadii dhaxal koobka iyo codsigii qisaas dalabka ee ehelada marxuumad Caasha

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s