M/weyne ku xigeenka Puntland oo ka baaqday Safarkiisii Degmada Boocame Maxa is bedelay?

Kadib markii ciidamo ka tirsanaa Puntland ay ku biireen ciidamada maamulka Somaliland isla markaasna deegaanka Boocame oo ka tirsan gobolka Sool awood kula wareegeen iyaga oo taabacsan Somaliland ayaa waxaa soo baxaya warar ku aadan ciidamadaasi.

Warsidaha Puntlandtimes.com ayaa helay xoggo tibaaxaya in madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo qaar kamid ah gollaha wasiirada Puntland ay baajiyeen safaro kala duwan oo ku tagi lahaayeen deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Axmed Karaash oo ay weheliyaan Wasiirada Caafimaadka, Amniga, Arrimaha gudaha, Maaliyadda iyo Waxbarashadu ayaa qorshihiisu ahaa in uu booqdo deegaano ay kamid yihiin degmada Boocame ee gobolka Sool, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyey ay ku sugnaayeen ciidamo ka goostay Puntland oo u galay Somaliland.

Ujeedka socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in uu kormeer ku sameeyo deegaano dhowr ah, waxaana Boocame uu doonayey madaxweyne ku xigeenku in uu kula kulmo ciidamada ka goostay Puntland si uu uga dhagaysto cabashooyinkooda iyo baahiyaha horyaala hasa yeeshee qorshaha Karaash ayaa mar qudha is badalay kadib markii Somaliland ay bilowday dhaq dhaqaaqyo ciidan lana faray saraakiisha ciidamada Somaliland in ay weerar ku qaadaan cid kasta oo ka socota dhanka Puntland iyo waftiga Karaash.

Image result for degmada Boocame

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s