Wasiir Xigeen ka tirsan Puntland & Koox la socotay oo dirqi ku bad baaday ???

Image result for cal madow

Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab uu ku gubay magaalada Ulxeed ee deegaanka Calmadow ee gobolkaasi Sanaag gaadhi ciidan.

Gaadhigan ciidan oo ay wateen koox macdan badhayaal Ajnabi iyo Soomaali ah uuna hogaaminayey wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland ayaa la sheegay in ujeedkoodu uu ahaa baadhista macdan laga helay deegaankaasi.

Waxaa la sheegay in kooxda gaadhigani wadatay ay kaga carareen gaadhiga meel tog ah, kadib markii uu bacaad ka galay iyaga oo ka baqay in dadka reer guuraaga ah oo iyaguna dhankooda gadhigaasi u sii ka xeeyey magaalada Ulxeed oo ugu dambeyntii Al-Shabaab ay kaga war heleen kuna gubeen sida la sheegay.

Kooxda oo qorshahoodu ahaa soo saarista macdanta loo yaqaano Dahabka kuna fooganaaa badhisteeda ayaa dib ugu noqday magaaalda Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Weli ma jirto cid ka hadashay dhacdadani, waxaana marar kala duwan macdan laga soo saaray deegaano ka tirsan gobolka Sanaag kuwaas oo xiliyada qaarkoodna sababay isku dhacyo dhex maray dhinacyo hubaysan.

Xigasho Puntland

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s