Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo dil kabad baaday

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa sheegaya in dabley hubaysani ay weerar ku qaadeen xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo kamid ah Baarlamaanka Puntland.

Kooxda weerarka ku qaaday xildhibaanka oo aan la garanayn waxa ay tahay ayaa sheegay in xildhibaanku uu la kulmay rasaas iyo weerar xili uu ka dagay gaadhi uu saarnaa gurigiisa hortiisa, waxaana uu sheegay xidlhibaan Dalmar in rasaas lagu furay hasa yeeshee uu ka bad baaday weerarkaas oo uu sheegay in uusan aqoonin cida sida rasmiga ah uga dambaysa haatana uu nabad qabo.

Xildhibaanka oo magaalada Garowe warbaahinta kula hadlay ayaa kasoo hor jeestay xilka qaadistii lagu sameeyey gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Puntland, waxaanan wararka qaar ay sheegayaan in arintani ay xidhiidho hadal kasoo baxay maalintii shalay ahayd.

Xiisadaha salka ku haya xilka qaadista gudoomiyaha Bankiga Puntland ayaa sii xoogaysanaya, waxaana ay ahayd maalintii shalay markii Cabdi Ismaaciil Boos oo ah gudoomiyaha Bankiga Puntland uu sheegay in madaxweyne Denni uusan ka qaadi karin xilkiisa ilaa uu codad kalsooni ah ka helo Baarlamaanka sifo sharci daro ahna looga qaadayo xilkiisa kuna qanacsanayn wareegtadii kasoo baxday xafiiska madaxtooyada oo ciidamo la wareegeen Bankiga.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s