Xasan Cabdulqaadir Muudey, La taliyaha M/weynaha Hirshabeei ayaa Qoraal ku Weeraray Laba Wasiir

Xasan Cabdulqaadir Muudey, La taliyaha Qaybta Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu soo saaray ku weeraray Wasiir Beyle iyo Wasiir Jamaal.

Qoraalka Muudey ayaa u qornaa:-

Wasiirka Maaliyadda Beyle wuxuu cadaalad darro badan ku sameeyay inta uu xilka wasaaraddaasi hayay Dowlad Goboleedyada Hirshablle State iyo Galmudug State. Wuxuu si joogta ah Beyle dadaal ugu bixiyay in uu hor istaag joogta ah ku sameeyo in labadaa Maamul Goboleed aysan gaarin xuquuqdii ay ku lahaayeen Dowladda Dhexe. Beyle wuxuu ka soo jeedaa Boorame, weligiina hal dollar kuma soo kordhin Dowladda Dhexe, mana qaadan karno nin halkuu ka soo jeeday, aan taggi karin inuu canshuurteena nagu dhibaateeyo.

Waxaa lamid ah Wasiirka Qorsheynta Jamaal, oo ah shakhsi aad ugu dadaalay isagana in labada Maamul Goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug la duudsiiyo xuquuqda ka soo gaarta Dowladda Dhexe. Wasiir Jamaal isagana waa shakshi aan hal dollar ka keeni karin deegaanada uu ka soo jeedo, wuxuuna rabaa in uu markasta canshuurteena isagoo ku nool uu na dareensiiyo colaad ku saleysan cadaalad darro, noo gaar ah.

Maaha wax la aqbali karo in shakhsiyaad aanan tagi karin halkii ay ka soo jeedeen ay carqalad joogta ah ku noqdaan wixii aan xaqa u lahayn.

Waxaan si diiran u boggaadinaynaa go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ku joojiyay mashruuc ku sheegii lagu saxiixay Magaalada Muqdisho. Waxaan Madaxda Dowladda u soo jeedinaynaa in la baaro labadaa wasiir caqabadaha ay ku hayaan Dowlad Goboleedyada Hirshabelle State iyo Galmudug State.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s