Madaxweyne Denni oo Nairobi ka bilaabay arin halis ku ah DFS

Kadib markii maalintii shalay ahayd safar aan hore loo shaacin uu ugu baxay dalka dibediisa madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni ayaa waxaa safarka madaxweynaha kasoo baxaya warar kala duwan.

Madaxweyne Denni oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona safiiro ka kala socda dalalka qaar, xubno matalaya Beesha caalamka iyo deeq-bixiyaasha qaarkood, waxaana inta uu ku sugan gudaha magaalada Nairobi uu madaxda kala duwan uu la kulmayo madaxweynuhu kala hadli doonaa arimo kala duwan oo ku saabsan Amniga iyo siyaasada dalka Soomaaliya gaar ahaan arimaha doorashada dalka ee sanadka 2021-ka, dibu eegista dastuurka, khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowladd goboleedyada iyo deeqaha Caalamku ku bixiyo magaca Soomaaliya.

Xoggaha aan ka helnay safarka Denni ayaa tibaaxaya in Saciid Cabdullaahi Denni uu wato qorshe uu Beesha Caalamka kaga dhaadhicinayo in deeqaha loogu talo galay Puntland si toos ah loo siiyo maamulkiisa oo aan loo sii marin dowlada federaalka si aysan u saamayn xiisadaha u dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweyne Denni oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo madaxda dowladda dhexe ayaa iminka wada qorshahaasi oo dhankooda aysan ka suurta galayn madaxda dowladda federaalka oo cadaadisyo kala duwan haatan saaraya maamuladda kasoo horjeeda.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo kamid ah shakhsiyaadka ugu dhow madaxweyne Denni ayey marar kala duwan isla soo hadal qaadeen arimahani, iyadoona kulamadii ka dhacay Boosaaso labada madaxweyne ay kaga wada hadleen arimahaasi iyo kuwo kale oo badan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s