Cabsi Ka jirta Mahadaay Iyo Ciidamada Amisom oo ka baxaya Gaar Ahaan kuwa Burundi

Guddoomiyaha degmada Mahadaay ayaa sheegay in Ciidamada Amisom ee ku sugan degmada ay ku jiraan diyaargarowgii ugu dambeeyay oo ay uga baxayaan Saldhigyadii Militari ee ay ku lahayeen Magaalada.

Wuxuu sheegay iney walaac ama cabsi badan ka qabaan ka bixitaanka degmada Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Dowladda Burundi oo mudo badan ku sugnaa Mahadaay, kuwaa oo dhowr jeer difaacay Weerararo Xoogan oo ka imaaday dhanka Al Shabaab.

Mudane Axmed Xuseen Afrax Guddoomiyaha degmada Mahadaay ayaa sido kale Sheegay in dhankooda ay diyaargarow galeen, maadama ciidamadii Xooganaa Magaalada ka guuri rabaan.

Wali wax war ah kama soo bixin Taliska Ciidamada Amisom gaaar ahaan Saraakiisha Askarta Burundi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: