Puntland oo ciidamadii & hubkii ugu badnaa iskugu gaysay Faliid Yaale Iyo Xaalad dagaal

Kadib markii saaka la wareegeen ciidamada Somaliland degmada Boocame ee gobolka Sool oo dagaal kooban uu ku dhex maray duleedkeeda ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyey deegaano ka tirsan goboladda Sool iyo Nugaal ka socday abaabul xoogan ay wado Puntland.

Ciidamo hubaysan iyo gaadiid dagaal oo aad u tira badan ayaa waxaa la iskugu geeyey deegaanka Faliidh Yaale ee gobolka Sool oo ay kusii shaqeeyaan maamulka gobolka Sool iyo Kastanka gobolka.

Abaabulkani oo ah mid dagaal ayaa yimid kadib dagaalkii koobnaa ee saaka lagaga qabsaday ciidamada Puntland degmada Boocame, waxaana saraakiisha ciidamada Puntland ay wadaan abaabulkii ugu dambeeyey si ay dib ugu qabsadaan deegaanka Boocame oo markii labaad u gacan galay Somaliland.

Degmada Boocame oo 60 KM u jirta magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa waxa ay Puntland u qorshaysay in ka dhigto saldhig ciidan si ay uga hortago weerarada Somaliland, hasa yeeshee ciidamo kaga sugnaa Puntland deegaankaasi ayaa ku biiray kuwa Somaliland kuwaas oo la wareegeen bishii hore guud ahaanba deegaanka iyo saldhigii ciidamada Booliska Puntland ee degmada Boocame.

Somaliland oo wixii ka dambeeyey xiligaasi ka duulaysa siyaasadeeda maamul baahinta ayaa ciidamadii ku biiray qaramaysay, iyadoona saaka ay la wareegay deegaankaasi kadib markii Puntland ay ka bilowday dhaq dhaqaaqyo ciidan si ay uga hortagto damaceeda ku aadan degmada Boocame.

Wararkii ugu dambeeyey ee Warsidaha Puntlantimes.com uu ka helayo deegaanka Faliidh Yaale ayaa sheegaya in ciidamo badan oo ka socda dhanka Puntland ay gaadheen deegaankaasi, kuwaas oo marba marka kasii dambaysa lasii kordhinayo si ay gaashaantaan weeraro kasoo wajihi kara dhanka Somaliland, hasa yeeshee Somaliland laftirkeeda ayaa isku diyaarisay xaalad dagaal halka heegaan buuxa ay galisay ciidamadeeda oo qorshaynaya gaadhista deegaano hor leh.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s