Wasiiro ka tirsan Puntland oo cabsi darteed Garowe ka bixi kari waayey & Xiisad cusub oo…

Wararka Warsidaha Puntandtimes.com uu ka helayo madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe ayaa sheegaya in xukumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Denni ay qorshaysay in ay dhigto xus loogu dabaal dagayo 100 sano guuradii kasoo wareegatay asaaski Daraawiishta.

Munaasibada xuskaasi oo qorshuhu ahaa markii hore in ay ka dhacdo degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa ka baaqatay dhanka degmada Taleex, kadib markii uu baaqday safar xubno ka tirsan gollaha wasiirada Puntland ay ku tagi lahaayeen degmada taariikhiga ah ee Taleex oo 90 KM u jirta caasimada dowladda Puntland ee magaalada Garowe.

Baaqashada safarkaasi ayaa timid kadib markii dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka sameeyeen ciidamada Somaliland deegaano ka tirsan gobolka Sool, iyadoona xukuumadda Denni ay go’aansatay in munaasibadaasi laga dhigo gudaha maagalada Garowe habeenimada Sabtida ah oo ku beegan caawa.

Dhaqaalaha loo asteeyey munaasibadaasi oo hore loo qorsheeyey in ay ka dhacdo degmada Taleex ayaa Wasaarada Maaliyadda Puntland ku bixisay xuska 100 sano guuradii kasoo wareegatay asaaski Daraawiishta lacag dhan 10 Kun oo Dollar si ay u qabsoonto, hasa yeeshee arinka ayaa is badalay kadib markii walaac xoogan ay ka muujiyeen wasiiradu safarka Taleex maadaama xiisadaha u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ay sii xoogaysanayaan maalmihii ugu dambeeyey.

Wasiirada tagi lahaa degmada Taleex ayaa kala ah wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Yusuf Maxamed Ismaaciil (Shir tag), wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdiweli Mire Xirsi, wasiir ku xigeenka Dakhliga Wasaarada Maaliyada Yaasiin Ibraahim Ciise, Wasiirka Warfaafinta Cali Sabarey iyo taliyaha Qaybta Police-ka gobolka Sool Cismaan Yuusuf Ismaaciil, waxaana loo aanaynayaa baaqadashada safarkooda cabsi xoogan oo ku aadan deegaanka Taleex iyo sababo la xidhiidha dhanka duulaanka ciidamada Somaliland oo isku balaadhiyey deegaano hor leh qorshaynayana weeraro cusub halka wasiirada cabsi darteed ka bixi kari waayey magaalada Garowe ay ka soo jeedaan gobolka Sool.

Xigasho Puntland  Times

Image result for taleex

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s