Wasiir janan oo doon ku tagay magaalada Kismaayo

Wasiirka Amniga ee Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo dhawan ka baxsaday xabsi ayaa la sheegay in uu gaaray magaalada Kismaayo, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsdan maamulka Jubbaland.

Sida ay booliska Soomaaliya sheegeen, Janan ayaa ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa ee Muqdisho, 28-kii January ee 2020-ka.

Telefishinka ay leedahay dowladda Jubbaland ayaa ku warramay in Janan uu hadda Kismayo ku sugan yahay.

Sida ay wararka sheegayaan, Cabdirashiid Janan wuxuu Kismaayo ku gaaray doon, balse ma cadda meesha ay doontaas ka soo qaaday.

Janan waxaa la xiray bishii August, 2019-kii waxaana lagu eedeeyay dambiyo culus” oo uu galay. Tan iyo xlligaas, hal mar ayaa maxkamad la horgeeyay.

Dowladda jubbaland waxay xariggiisa ku tilmaamtay afduub.

Ku xigeenka taliyaha booliska Soomaaliya, Sareeye-guuto Zakiya Xuseen, ayaa Talaadadii shaacisay in uu xabsiga ka baxsaday wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiida Janan. Waxay sidoo kale sheegtay in laamaha amniga ay ku raad joogaan Janan.

Wasiirka Amniga Jubblanad waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay tacaddiyo ka dhan ah aadaha; waxaa ka mid “in uu dilay dad maxaabiis ahaa oo u xirnaa maamulkiisa”, sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in wasiirka amniga Jubbaland ay tahay “in uu gurto miraha cadaaladda ee ay helaan dadkii uu dhibaatada u geystay”.

Janan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s