Dagaal sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Wararka aan ka helayno duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas saakay aroortii hore uu ka dhacay dagaal xoogan.

Dagaalkan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo, kaasi oo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas wada dega, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan laba ruux ayaa dagalkaas ku dhintay, halka 5 qof kalena dhaawac uu soo gaaray, waxaana maydfadka iyo dadka dhaawacmay la geeyay Isbitaal ku yaalla Magalada Kismaayo.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkii saakay ka dhacay deegaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo uu salka ku haayo aanooyin qabiil, waxaana maalmihii lasoo dhaafay la sheegay in halkaas ay ka dhacayeen dilal qorsheysan.

Inta badan deegaano ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dagaalo salka ku haaya aanooyin qabiil, kuwaasi oo sababa Khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac

.Map of Kismayo, Somalia

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s