Khilaafkii doorashadda ee Somaliland ayaa u muuqda mid dhamaaday, Komishineer kamid ah kuwii doorashooyinka ee lagu muran sanaa ayaa is casilay.!
Somaliland waxay ku caano maashay isu tanaasul, dulqaad iyo guurtinimo. Khilaafkii doorashadda ee komishanka cusub ayaa laga heshiiyay waxaana hadda is casilaya xubintii ugu horeysay oo ah Xasan Yuusuf Ducaalle oo ahaa masuulkii metelayay Xisbiga UCID. Dhanka kale maadama oo aannu jirin sharci Madaxweynuhu ku kala dirro komishanka cusub waxa jira xoggo ii sheegaya in xubnaha kalena is casilayaan goordhow si ay u badbaadiyaan mustaqablka qarankooda.!