Dowladda oo Muqdisho ku Xirtay Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Gedo iyo Kii Degmada Baardheere

Dowladda Soomaaliya ayaa Xabsiga dhigtay Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Gedo Maxamed Xuseen Alqaadi Iyo Gudoomiyaha degmada Baardheere Ismaaciil Cabdi Qorax oo la sheegay iney diidan yihiin Dhaqdhaqaaqa dowladda ay ka waday Maalmahan deegaanada Gobalka Gedo.

Warar hoose ayaa sheegaya Xariga labada Mas’uul inuu fududeeyay Taliyaha qeybta 43aad ee ciidamada Xoogga oo u sheegay Muqdisho iney u raacaan, sidaasna loogu gacan galiyay Dowladda dhaxe.

Mas’uuliyiin katirsan Jubbaland ayaa sido kale sheegay labada Gudoomiye iney ku xiran yihiin Muqdisho, kuwaa oo markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha lagu wareejiyay ciidamo boolis ah oo u dhaadhiciyay Xabsi ku yaalla Wasaarada Gaashandhiga.

Wali war toos ah kama soo bixin Jubbaland oo looga hadlayo Xariga labadaasi Mas’uul

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: