Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashid Janan oo meel fagaare ah lagu arkay

Wasiirka Amniga Dowlad Goboledka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ay dowlada federalka waaran lagu soo xirayo u jartay ayaa maanta lagu arkay duleedka magaalada Beledxaawo oo ku taal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Maxamuud Sayid iyo Wasiirka Amniga Cabdirashiid Janan ayaa duleedka magaalada Beledxaawo waxa ay kula hadleen ciidamo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Mas’uuliyiintan ayaa kala hadlay ciidamada sidii ay u difaaci lahaayeen deegaanada hoos taga Jubbaland oo maalmihii la soo dhaafay ciidamo laga daadgureeyay magaalada Muqdisho la geynayay.

Sawirada Cabdirashiid Janan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee saxaafada ay heshay tan iyo markii uu ka baxsaday dhowaan gacanta dowlada federalka.

Ciidamadan milatariga ee laga qaaday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku kala sugan yihiin qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo sida Baardheere,Doolow iyo Luuq.

Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ku macneeyay ciidamadan inay waajibaadkooda ay gudanayaan kana qeyb qaadanayaan difaaca dalka.

  

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s