Wasiir Goodax Barre oo u jawaaby ardayda Puntland

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax-barre oo mar kale ka hadlay khilaafka waxbarasho ee Puntland iyo dowladda federaalka ayaa sidoo kale u jawaabay qaar kamid ah ardayda deegaanada Puntland oo cabasho muujiyey.

Ardaydaas oo dhigta mid kamid ah Iskuulada ugu weyn magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay dalbadeen in aan la siyaasadeyn shahaadadooda, waxaana ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay galaan Imtixaanka dowladda iskuna kalsoon yihiin.

“Ka wasaarad ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan garab istaagno ardey kasto oo Soomaaliyeed, si u helo waxbarasho dhameystiran, islamarana u qaato shahaado cadeyneysa waxa uu bartay, Ardeyda wax ka barta deegannada Puntland, waxay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka ayuu yiri” Wasiir Goodax Barre.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka jawaabayey muuqaal baraha bulshada lagu faafiyey oo ay cabasho ku muujinayeen qaar kamid ah ardayda deegaanada Puntland.

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka dhinaca Waxbaarshada ah ee u dhaxeeya Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowladda Soomaaliya iyo Puntland.

Image result for wasiir Goodax

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s