Al-Shabaab ayaa weerar ka geysatay wadada isku xirta Lamu iyo Garsen ee Gobolka xeebta ee Kenya

Al-Shabaab ayaa weerar ka geysatay wadada isku xirta Lamu iyo Garsen ee Gobolka xeebta ee Kenya, iyadoo gubay labo gaari oo ka mid ah gaadiidka ka qeyb qaadanaya dhismaha wadadaas.

Weerarkan ayaa wax khasaare ah sababin, sida warbaahinta gudaha ee dalka Kenya xaqiijiyeen.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in is rasaaseyn ay dhex martay Ciidamada Booliska iyo kooxdii hubeysneyd ee ka tirsaneyd Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxdii hubeysneyd ay u carareen dhanka Keymaha oo ah goobaha Al-Shabaabka weerarada ka geysta gobolka xeebta ay ku dhuumaaleystaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarkan ujeedkiisa ahaa in lagu qaado xarun Boolis oo ka ag dhowaa wadada uu dayactirka ka socday ee labada gaari lagu gubay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkan ka dhacay Lamu, waxaana horay u jiray weeraro Al-Shabaab ka geysteen gobolka xeebta

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s