NORWAY: Haweeney farta qaniinyo looga gooyay gudaha masjidka Tawfiiq

Labada haween ee dirirtay ayaa da`dooda lagu kala sheegay 30-jir iyo 50-jir, waxaana qaniinyada farta looga jaray haweeneyda 30 jirka ah, sida ay xaqiijiyeen booliska oo goobta loogu yeeray.

Sarkaalka hoggaaminayay booliska goobta gaaray oo lagu magacaabo Christian Krohn Engeseth ayaa sheegay in haweeneyda loo qaaday xarunta caafilaadka ee Legevakt-ha loo yaqaan ee ku taal bartamaha magaalada Oslo.

Booliska ayaa qabtay oo dambiga dusha ka saaray haweeneyda 50-jirka ah, waxaana lagu eedeeyay in ay dhaawac u geysatay jirka ruux kale.

Farta haweeneyda laga jaray ayaa dhulka laga soo qaaday, waxaana laga daba-geeyay haweeneyda dhakhtarka loo qaaday, balse wali ma cadda in dib loogu rakibi karo iyo in kale.

Wali lama oga xiriirka ka dhexeeyay labadan dumar ee dirirtay iyo waxa ay isku qabteen, balse booliska ayaa wada baaritaan iyo xog-wareysiyo markhaatiyaal oo dhacdadan ku aadan.

Arrintan ayaa dhacday shalay oo Axad aheyd, abbaarihii shanta iyo barka galabnimo, waana xilliga lagu wargeliyay booliska.

Xilliga uu dagaalka dhacayay masjidka ayaa ahaa mid ay dad badani joogeen, maadaama ay Axad aheyd.

Booliska ayaa sheegay in goobta uu dagaalki ka dhacay ay ku xirantahay kaamiro, ayna ogyihiin waxa uu dagaalka salka ku hayo, balse eysan dooneyn in ay iminka warbaahinta u sheegaan.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa masjidkan Tawfiiq ka taagnaa is-qab-qabsi dhanka maamulka ah oo ay ugu dambeyn si khasan ah ku xallisay dowladda Norway iyadoona xilka guddoonka u magacowday si kumeel-gaal ah mid ka mid ah labadii garab ee dhanka maamulka isku haytay markii ay ku heshiin waayeen muddo loo qabtay.

Ma cadda wali in dagaalkan uu xiriir la leeyahay is-qab-qabsiga masjidka.

Masjidkan oo taariikh ahaan soo jiray ilaa iyo todobaatameeyadii islamarkaana ay aas-aaskiisa iyo maamulkiisuba soomaali lahaayeen, soona dagay xarumo kala duwan oo magaalada Oslo ah ayaa taageero dhaqaale oo gaaraya 7,8 milyan Kr. oo lacagta Norway ah ka heli jiray dowladda sannad walba, waxaana macaamilkii ku xiranba ay dowladdu u qoondeysay lacag gaareysa 1000 kr.

Bishii Juun ee sannadkii tagay ayay dowladda Norway waxa ay jartay lacagtii caawinaadda aheyd ee ay masjidka siin jirtay kadib markii uu gaaray khilaafka laba kooxood oo midba sheeganaya in uu isagu hoggaanka u hayo masjidka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s