M/Wayne Farmaajo oo Hargaysa ku soo fool leh

Golaha Wasiirada Somaliland ayaa aqbalay soo jeedinta Madaxweyne Muuse Biixi ee ah in Hargeysa uu ka dego Madaxweyne Farmaajo, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda in si wadajir ah magaalada Hargeysa uga degaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, iyagoo ka soo ambabixi doona magaalada Muqdisho.

Golaha wasiirada maamulka Soomaaliland ayaa maanta si aqlabiyad leh u ansixiyay codsiga madaxweyne Muuse Biixi oo ahaa in madaxweynaha Soomaaliya uu tago magaalada Hargeysa.

Muuse Biixi ayaa lagu wadaa in uu isla codsigan ka ansixiyo labada gole ee baarlamaanka Soomaaliland maalinta Talaadada ah ee nagu soo aadan.

Wararka ay Goobjoog News helayso ayaa sheegaya in Axadda ay Farmaajo oo uu wehliyo ra’isulwasaaraha Itoobiya ay ka degi doonaan magaalada Hargeysa.

Arrintan ayaa imaanaysa todobaad ka dib markii Farmaajo iyo Muuse Biixi ay ku kulmeen Adis ababa iyo seddex maalin ka dib markii uu raali galin bixiyay Farmaajo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s