100 Waddan Oo IMF Ku Jira Oo Soomaaliya Siinaya $334 Million


Illaa 100 waddan oo ku jira hay’adda lacagta dunida ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano IMF ayaa u codeeyay in dawladda Soomaaliya ay siiyaan adduun laceeg oo dhan $334 million, lacagtaas oo loogu talo galay in lagu dhammaystiro hannaanka dayn-cafinta ee Soomaaliya.

Madaxa hay’adda IMF ayaa sheegtay in ay arrintani tahay tallaabo wax-ku-ool ah oo loo qaaday dhanka horumarka, isla markaana ay Soomaaliya ka caawin doonto in dhaqaalheedu uu kordho oo ay yarayso heerka faqriga ee dadkeeda.

Dawladda Soomaaliya ayaa rabta in laga dhaafo daynta balaayiinka dollar ah ee lagu leeyahay, iyadoo hadda kasoo baxday shuruudaha hore ee dayn-cafinta. Waxa la filayaa in muddo saddex sannadood gudahood ah Soomaaliya lagaga dhaafo daynta, hadii ay sii wado is-bedelada dhaqaale ee ay bilowday.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s