Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Ahlu Sunna oo Caawa ku Dagaalamay Dhuusamareeb

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo katirsan Dowladda Iyo Kuwa Ahlu Sunna oo Caawa ku dagalaamay gudaha degmada Dhuusamareeb.

Daaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya iyo kuwa Ilaalo ka hayay Xarunti Inji oo ay degan yihiin Madaxda Ahlu Sunna.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Kalsantv u Xaqiijiyay Dagaalka inuu salka ku hayo kadib markii gaari kasoo baxay Xarunta Inji oo ay la socdeen Xubno katirsan Ahlu Sunna ay ka diideen ciidamada dowladda iney istaajiyaan gaariga oo la baaro.

“Wey diideen in gaarigooga la baaro xoog ayey ku mareen koontaroolka ciidanka dowladda, rasaasna waa ay fureen Ilaalada Ahlu Sunna” Ayuu yiri Goobjooge.

Wali wax war ah kama soo bixin Taliska ciidanka Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ee Gobalkaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: