Muxuu salka ku hayaa Dagaalka RW Khayre uu ku wado General Mascuud Maxamed Warsame?


Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug, ayaa sheegaya inuu jiro culeysyo uu dareemayo Taliyha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Mascuud Maxamed Warsame.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa ka carooday amar diido uu sameeyay Taliye Mascuud, taasoo ku aadaneyd inuu Muqdisho u soo wareejiyo Hoggaamiyaha Ahlu-Suna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, si xabsi loo dhigo.

Jananka oo hore u ahaa Taliyihii Ciidanka Ahlu-Suna inta aanu u wareegin dhanka dowladda, ayaa fuliyay balan uu la galay madaxda Ahlu-Suna, kaasoo ahaa inuu noloshooda iyo hantidoodaba uu ilaalinayo, waana midaa mida keentay iney isa soo dhiibaan madaxda Kooxdan laga awooda roonaaday.

Taliyha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Mascuud Maxamed Warsame ayaa diyaaradii Gaalkacyo geysay la raacay Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, isagoo hore u sii kaxeystay Ciidamo uu kala baxay Ahlu-Suna oo ahaa kuwo uu si aad ah ugu kalsoonaa oo si hoose ula shaqeyn jiray.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xafiiska Ra’iisal Wasaare Khayre uu bilaabay qorshe curdun ah, oo ujeedkiisu uu yahay in hubka iyo xilkaba looga wareejinayo General Mascuud Maxamed Warsame, Taliyaha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad.

Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in mushaarka laga jaray Saraakiishii Ahlu Sunna ee la qarameeyay, ka dib markii lagu eedeeyay in ay iska diideen ka qayb qaadashada weerarkii Xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb, waana midda keentay in dowladdu gurmad ka dirto Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s