Guddoomiyaha Midawga Afrika oo war culus ka soo saaray xiisada Soomaaliya iyo Kenya.

Ururka Midowga Afrika ayaa war deg deg ah ka soo saaray xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan wadamada Soomaaliya iyo Kenya, taasoo hawada gashay maalmihii la soo dhaafay.

Guddoomiyaha Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay iney si dhow ula socdaan hadalada xanafta leh ee todobaadkii tegay ay hawada isu mariyeen labada dowladood, isagoo sheegay in arintan ay tahay mid walwal ku abuureysa labada shacab.

Mr. Moussa Faki ayaa dhinaca kale ugu baaqay madaxweynayaasha labada dal iney xalka ka eegaan miiska wadahadalka oo aan lagu deg degin dagaalo hor leh iyo sidii hore u dhacday in safiirada la kala qaato.

Beesha caalamka ayuu tilmaamay inuu la kaashanayo sidii xal kama danbeys ah arintan looga gaari lahaa, wuxuuna afka ku balaariyay iney qorsheynayaan sidii la isugu soo hor-fariisin lahaa Hoggaamiyayaasha labada dal ee deriska ah.

Si kastaba, xiisada labada dowladood waxa ay hawada sii gashay markii Mandheera uu saldhigtay Wasiirka Amaanka Jubaland Cabdi rashiid Janan oo ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho, waxaana jiray dagaalo todobaadkii hore ka qarxay xadka Beleexaawo oo ay isaga hor-yimaadeen Ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s