Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qayb galay xuska maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay munaasabada maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka (International Women’s Day) oo maanta ka qabsoontay magaalada Garoowe.

Munaasabadda xuska maalinta caalamiga ah ee Haweenka Adduunka waxaa Madaxweyne Deni kala qayb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Sahra Cabdi Xirsi, qaar kamid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka socda Hay’addaha UN-ka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka jeediyey xuska maalintan caalamiga ah ee Haweenka Adduunka khudbad muhiim ah, taasi oo uu kaga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka aduunka, kuwa Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku leeyihiin bulshadooda iyo ka qayb qaadashada horumarinta dowladdooda.

“Waxad wada ogtihiin kayskii Caasho, ood makhraanti ka tihiin inuu si hufan kusoo dhammaaday…Waxan halkan uga baaqayaa iyadana maxkamadaha iyo cidda sharciga gacanta ku haysa kiis kasta oo kaa lamid ah inay waddo sharciah oo cadaalad ah mariyaan. Waxaan kaloo u sheegayaa dadweynaha mararka qaybtood inaysan kahor dhicin maraaxisha maxkamaduhu maraan.
Waxaad ogtihiin Caa’isha sidaas oo kalaa waxaa loo oran jiray, kayskeeda waa la musuq maasuqay, waxaanaa dhacay, kanaa dhacay, indhihiinnaad markhaanti uga ahaydeen, kuwa kale oo hadda socdana waxaan rajaynayaa in laga war sugo” Madaxwayne Siciid Cabdilahi Deni.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s