Odayaasha & Waxgaradka Galguduud oo Puntland ku eedeeyey in ay burburinayso Galmudug

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee gobalka Galguduud, gaar ahaana kuwa Beesha Ceyr ayaa si adag uga hadlay martigalinta Puntland ee Kooxda Ahlu Suna oo ka tanaasushay arrimaha siyaasadda Galmudug iyo ficilada ay ka wadaan deegaanada Puntland.

Odayaasha dhaqanka oo xalay ka hadlayay kulan ka dhacay Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in ay Puntland faragalin siyaasadeed ku hayso Galmudug, ayna kasoo horjeedo in heshiis iyo wada hadal laga gaaro arrimaha siyaasadeed ee horey uga dhacay deegaankan.

Odayaasha qaarkood ayaa sheegay in ay horey Puntland mudo dheer u hubeyn jirtay kooxaha gobalada Galmudug ku hardami jiray, haddana ay markale doonayaan in ay soo maraan xagga Ahlu Suna oo ay bilaabaan dagaal ay isku dhiibaan qeybaha bulshada.

Odayaasha ayaa sheegay in Puntland ay diidan tahay horumarka iyo dowladnimada ka jirta Galmudug, iyagoona shaaca ka qaaday in ay qorsheynayaan in ay bur buriyaan maamul goboleedka Galmudug.

Sidoo kale odayaasha ayaa waxaa ay tilmaameen in xiligan ay Puntland abaabuleyso hoggaanka Ahlusuna ee loogu awood badiyay magaalada Dhuusamareeb.

Arintan ayaa ku soo aadaysa xili hoggaanka Ahlusuna ay bilaabeen in ay dib u soo celiyaan eedamaha ay u jeedinayeen dowladda federaalka soomaaliya, iyagoona haatan wada abaabul aan caadi aheyn

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s