Baaqii M/weyne Deni ee difaaca Baraha Bulshada oo isku bedelay, Kala dhantaalida Midnimada Puntland.

 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan codsaday in la qoro ciidamo ka difaaca dhaliilaha baraha bulshada, gaar ahaana barta Facebook-ga oo ay Madaxtooyadu dhibsatay waxyaabaha ay samayso ee lagu qoro, gaar ahaana dhaliilaha loo soo jeedinayo waxyaabaha ay dawladdu ka gaabisay, taas oo Madaxweynaha ku noqotay arrin uusan fileynin.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in looga baahan yahay dhalinyaradda iyo kuwa Af-maalka ah in ay garab istaagaan Xukuumaddiisa, shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Boosaaso, isagoo horey u sheegay in adeegsiga Facebook-ga uu yahay wax aan loo baahneyn oo dadka uga digay.

Madaxtooyada Puntland, gaar ahaana shaqsiyaad katirsan dadka ugu dhaw Madaxweyne Deni ayaa dhaqaale kubixiyey sidii ay u kireysan lahaayeen qaar kamida ah dadka sida qaabka daran u isticmaala baraha bulshada oo ay ku jiraan xubno katirsan Ehelada Madaxweynaha.

Todobaadkan ayay ahayd markii ay dhacday in gudaha Madaxtooyada Puntland lagu kala qeybiyey shacabka Puntland ee Canshuur-biyayaasha ah, ayna talaabadaas ka dhalatay baaqii Madaxweyne Deni ee ahaa in laga difaaco baraha bulshada.

Warka Madaxtooyada ee kusaleysan in laga difaaco baraha bulshada iyo Muuqaalada taageerayaasheedu ku gudbiyeen barta Bulshadu ku xariirto ee Facebookga ayaa muujisay wajiga dhabta ah ee Madaxweyne Deni iyo Iskaashatadu ay doonayaan in ay ku hogaamiyaan Puntland 4ta sanno ee nagu soo began.

Midnimada Puntland oo ah mid lama taabtan ah ayaa u muuqata in kuwa ay Madaxtooyadu u kireysatay in ay ka difaacaan baraha bulshada ay dhaawacayaan, iyagoo gudbinaya Fariinta Madaxweynaha, taas oo ka dhigan arrin dad badan oo kasoo jeeda mandiqada ay walaac ka muujinayaan.

Xigasho Puntland Times

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s