Mid kamid ah la taliyaashii Farmaajo oo Villa Somalia laga xirtay & War cusub oo soo kordhay

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in Siyaasiga Salaad Cali Jeelle laga mamnuucay inuu galo madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna Mr. Jeelle kamid ahaa la taliyeyaasha madaxweyne Farmaajo.

Ilo wareedyo ku sugan  Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in arrintan ay timid kamid ah markii ay isku dhaceen Siyaasi Salaad Cali Jeelle iyo Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, taas oo gaartay murankooda xafiiska madaxweynaha.

Amarka Salaad Cali Jeelle looga mamnuucay gelitaanka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa wuxuu ka soo baxay agaasimaha guud ee Villa Soomaaliya Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), waxaana lagu wargeliyay dhammaan laamaha madaxyooyada inuusan soo geli karin ilaa iyo amar dambe.

Lama oga arrimaha salka uu ku hayo Khilaafkan, waxaana jira dadaalo lagu kala dhex galayo ama lagu qaboojinayo arrintaan.

Siyaasi Salaad Cali Jeelle ayaa kamid ah siyaasiyiinta Beesha Mudulood ee afka ku difaaca dowladda federaalka Soomaaliya maadama sid wararku ay sheegayaan uu lacag ka qaado madaxtooyada.

Image result for salad cali jeele

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s