DF oo go’aan kasoo saartay goorta la hakinayo duullimaadyada caalamiga ah

Wasiirka gadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa goor dhaw shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay go’aamisay in la joojiyo dhamaan duulimaadyada caalamiga ah ee dalka soo gala.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in shir maanta ka dhacay xaafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre lagu go’aamiyey in mudo 15 cisho ah la joojiyo duullimaadyada caalamiga ah ee dalka soo gala, laga bilaabo  dhammaadka maalinta 18-ka bisha Maarso.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in amarkaan lagu joojinayo duulimaayada Caalamiga ah uu ka dhaqan geli doono guud ahaan dalka. isla markaana ay dowladdu fasixi doonto oo kaliya duullimaayada ka shaqeynaya arrimaha bini’aadanimada iyo gargaarka hadii loo baahdo.

Go’aankaan ay ku dhawaaqday xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli gaar dhaw wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ay shaacisay in qof qaba Coronavirus Muqdisho lagu hayo, kaas oo ka dhigan kiisii ugu horeeyey ee cudurkaas ah oo lagu arkay gudaha dalka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s