Shabaab oo isaga baxay Janaale iyo ciidanka dowladda oo kaabiga ku haya.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in dagaal yahanada Shabaab ay isaga bexeen deegaanka Janaale, halkaasoo ay ka arriminayeen sanadihii la soo dhaafay.

Dadka deegaanka ayaa ku soo waramay in Saraakiisha Shabaab iyo ilaaladooda ay ka Alaaba gurteen Janaale oo ay dib ula wareegeen bishii Maarso sanadkii 2017, xiligaas oo ay ku qaadeen weeraro soo noq noqday.

Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta Xaldoon.Net ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga dalka oo Axadii ka dhaqaaqay degmada Awdheegke ay afka aadiyeen dhinaca Janaale, taasoo ah mida loo badinayo ee cabsida ku keentay kooxdan xiriirka la leh urur weynaha Al-Qaacida.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Cabdixamiid Maxamed Dirir oo 3dii bishan kormeeray Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku dhawaaqay in la qaadi doono guluf ka dhan ah Al Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa isaguna dhawaan xerada Turkisom tababar ugu soo xiray Ciidamo Milatari ah oo loo carbiyay sidii ay gacanta dowladda ugu soo celin lahaayeen guud ahaan gobolka Sh.Hoose.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s