qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo is xig xigay oo aroortii hore er saaka laga maqlay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan, qaraxyadan waxaa lala eegtay baalayaasha Kaamirooyinka ku xiran ee ku yaala wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo la maqlay ilaa 5 qarax oo ay daqiiqado yar uun u dhexeysay.

jugta Qaraxyadan ayaa dadka reer Muqdisho waxa ay ku riday jahwareer, waxaana dadka ay moodayeen Hoobiyeyaal soo dhacay.

Koox Shabaab ah oo wadatay Mooto Bajaaj ayaa la sheegay iney Miinooyinkan ku tuureen halka ay Baalayaasha Kaamirooyinka kaga yaalaan Isgoyska Debka ilaa aagga Hoteel Wehliye, taasoo keentay iney durba qarxiyaan.

Ciidamadii ilaalada ka hayay Kaamirooyinkan ayaa rasaas ku riday kooxdii weeraradan saf mareenka ahaa fulisay, iyadoo aaney u suura galin iney gacanta ku soo dhigaan danbiilayaasha .

Waa markii 2-aad ee Shabaab qarxiyaan Baalayaasha ku xiran Kaamirooyinka, waxaana haatan goobihlhii la qarxiyay la dhigay ciidamo ka tirsan NISA oo xirtay wadada u dhexeysa Debka ilaa Seydka, iyadoo haatan ay socdaan baaritaano.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s