Wasiiradii dowladda ee ka qayb galay shirkii Garowe oo kasoo hor jeestay qaar kamid ah qodobadii kasoo baxay shirka

Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay shirkii wada tashiga Garowe oo warbaahinta caasimadda Garowe ayaa si rasmiya u cadeeyey mowqifkooda ku aadan war murtiyeedkii kasoo baxay shirkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo warbaahinta u akhriyay qoraal ay soo saareen ayaa sheegay in ay diidan yihiin qodoba kamid ah war murtiyeedka shirkii Garowe oo eedaymo culus loogu jeediyay madaxda dowladda federaalka islamarkaana ay ka xun yihiin ereyo ihaano ku ahaa dowlad goboleedyada kale oo ku qornaa war murtiyeedkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in eedaymaha culus ee war murtiyeedka loogu jeediyay dowladda dhexe aysan ku jirin qodobadii shirka looga hadlay, sidoo kalena ihaano war murtiyeedka ihaano loogu gaystay dowlad goboleedyada kale.

Dhinaca kale wasiirka ayaa soo dhoweeyey booqashada madaxweyne Denni uu ku tagi doono magaalada Muqdisho si uu ula kulmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa kale oo uu soo dhoweeyey shirka madaxweyne Denni ku casumay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka si looga wada tashad xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada.

Wasiir Cawad ayaa sidoo kale bogaadiyay qodoba ka soo baxay shirkii wada tashiga Garowe marka laga reebo kuwa lagu dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s