Maamulaha Shirkada Hubaal Forex oo lacag xad dhaaf ah ku iibsaday Baasaboorka dalka Canada, si uu ugu baxsado.

Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta Xaldoon.Net ayey ku ogaatay macluumaadka la xiriira baasaboorka dal shisheeye oo uu iibsaday maamulaha guud ee shirkada Hubaal Forex.

Maxamed Ismaaciil ayaa $30,000 (Sodon Kun oo Doolar) ku iibsaday baasaboorka dalka Canada, iyadoo arintan uu uga gol leeyahay sidii uu dalka ugaga baxsan lahaa, marka duulimaadyada ay si toos ah u furmaan.

Waxyaabaha kale ee uu u xaniban yahay waxaa kamid ah baasabooro uu sidiisoo kale ugu dalbay qoyskiisa, waxaana la filayaa in midka ugu danbeeya uu helo bisha 5-aad ee sanadkan 2020, waana 7 Baasaboor.

Macluumaadka ay heleyso Warbaahinta Xaldoon.Net waxaa kamid ah in dadka shirkadda Hubaal maalgashtay maanta loo sheegay in lacagohooda ay heli karaan oo kaliya laba bilood kadib, iyadoo labadaasi bil ka horna uu ninkan dalka isaga tagi doono.

Waxa uu doonayaa inuu la baxsado lacag gaareysao $20 Milyan (Labaatan Milyan oo doolar) mana jirto cid wax iska weydiineysa ka hortagida baxsashada ninkan lacagaha badan shacabka kala goynaya.

Xarunta Hubaal Forex ee Taleex waxaa maalintii 2-aad buux dhaafiyay Boqolaal Shacab ah oo laba bil aan wax lacaga ah arkin, iyagoo doonaya xiligan oo kaliya sidiii ay u heli lahaayeen lacagihii Lafahooda ahaa oo ay markii hore gashteen oo kaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s