Aqriso qodobada ay ku heshiiyeen M/Wayne Laftagareen iyo Siyaasiyiinta Beesha Hawiye.

Ilo-waraeedyo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay warbaahinta u xaqiijiyeen in uu is-afgarad ku dhamaaday Kulankii  xalay dhex maray Madaxweynaha K/Galbeed, C/Casiis Xasan Maxamed “Laftagareen” iyo Wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano Heer Qaran.

Kulankaasi oo socday in ku dhow 6 saacadood oo xiriir ah ayaa waxay labada dhinac kaga wada hadleen xalinta Saluuga ay Beelaha Hawiye ka qabaan Nidaamka loo qeybsaday Xildhibaanadda Barlamaanka Cusub ee Maamulka K/Galbeed.

Siyaasiyiinta Beelaha Deegaan ahaan ka soo jeeda K/Galbeed waxay qeylo-dhaan ka muujiyeen hanaanka lagu saleeyo Saami-qeybsiga Kuraasta Barlamaanka 2-aad ee Maamulkaasi.

Kulankii ay Madaxweyne Lafta-gareen iyo Wafdigii Wasiirada ka tirsan Xukuumadda Federalka  iyo Xildhibaanadda ka tirsan Labada Gole ee Barlamaanka Federalka xalay ku yeesheen magaalladda Baydhabo waxaa la isku af-gartay qoddobo ay ka mid yihiin:

  • In Beelaha Hawiye qaataan xilka Madaxweyne-ku-xigeenka Dowlad-gobaleedka K/Galbeed
  • Inay Beelaha Hawiye Wasiiro ku yeeshaan Golaha Wasiiradda ee K/Galbeed
  • Inay Belaha Hawiye xilal ka qabtaan dhamaan Xilalka Guud ilaa kuwa Deegaanadda ay ka degaan.
  • Goballadda Sh/Hoose, Bay iyo Bakool ee hoos taga Dowlad-gobaleedka K/Galbeed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha K/Galbeed, C/Casiis Xasan Maxamed “Laftagareen” oo ka hadlay Kulankii uu xalay la yeeshay Wasiirada ka tirsan Xukuumadda Federalka  iyo Xildhibaanadda ka tirsan Labada Gole ee Barlamaanka Federalka waxa uu ku ballan qaaday in la fulin doono dhamaan qoddobadii lagu heshiiyey.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirada iyo Xildhibaanadda Heerka Federalka waxay ka tanaasuleen Saluugoodii dhanka Xildhibaanadda Barlamaanka 2-aad ee K/Galbeed.

95-ka Xildhibaanadda cusub waxaa la filayaa in barqanimada maanta lagu dhaariyo Hoolka dhismaha Barlamaanka K/Galbeed ee magaalladda Baydhabo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s