War Kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu Sheegay in Ugu yaraan 7 askari oo katirsanaa ciidamada dowladda ay ku dhinteen, kadib markii qarax lagula beegsaday gaari nuuca ciidanka xambaara inta udhaxaysa Buufoow iyo deegaanka Janaale.
“Gabi ahaanba gaariga ayaa gubtay waxaana ku dhintay todobo askari iyadoona ay dhaawacmeen ciidamo kale, sidoo kale waxaa duqeyn ba’an ugeysanay saldhigyo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka uga sugnaayeen Janaale” ayaa lagu yiri.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in 40 madfac ay ku duqeeyeen saldhigyada ciidamada huwanta ah.
“Intii ay duqeynto socotay ayaa la arkayay holac ka baxayay saldhigyada waxaana gubtay keydad hub iyo teendhooyin udhisnaa cadowga” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.