Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Sheegtay in Soomaaliya laga helay kiiskii 3aad ee la xiriira cudurka Coronavirus.
Qofka laga helay Coronavirus ayaa la sheegay inuu yahay qof ka tirsan shaqaalaha ajnabiga ah ee ku sugan Xalane, gaar ahaan ruux ka mid ah Shaqaalaha qandaraasleyda ee ka howlgala Xafiiska Qaramada Midoobay UNSOM ee ku Yaalla Soomaaliya.
Ninkan Ajnabiga ah ayaa noqonaya Qofkii 3aad ee qaba Caabuqa ee laga hela Magaalada Muqdisho.