Xiisada Dhuusa-Mareeb: NISA oo la wareegtay amniga Senator Dhagey iyo ilaaladiisa.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-Mareeb ee caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in wali halkaasi ay ka taagan tahay xiisad salka ku heysa wiil dhalinyaro ahaa oo Sabtidii shalay lagu dilay bartamaha xarunta gobolka Galgaduud.

Shaafici Xaaji Diiriye ayaa u geeriyooday rasaas uu huwiyay mid ka mid ah ilaalada Senetor Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey), oo ka tirsan Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan, ehelada marxuumka oo si aad ah u hubeysan ayaa dhaq dhaqaaqyo xalay ilaa saaka ka wada hareeraha halka uu dilku ka dhacay oo ah goobta uu degan yahay Senator Dhagey, taasoo keentay in NISA ay Xildhibaanka ka saarto hoygiisii.

Saraakiil dhinaca amaanka qaabilsan ayaa Warbaahinta Xaldoon.Net u sheegay in Senetor Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) iyo ilaaaldiisaba la geeyay xarunta INJI oo xiligan fariisin u ah ciidanka Nabad Sugida, halkaasoo amaankooda lagu sugayo.

Ehekada Shaafici ayaa sheegay in meydka marxuumka aysan aaseynin inta cadaalada laga hor-geynayo gacan ku dhiiglaha, waxaana haatan socota waan waan lagu doonayo sidii arinta miiska hoostiisa loogu dhameyn lahaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s