Ciidamo buux dhaafiyey Garowe & Guryo badan oo gudaha loo galay

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa sheegaya in ciidamada amaanku ay hawlgalo ka bilaabeen gudaha magaaladaasi, kadib markii habeenkii xalay ahayd uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

Qaraxaasi oo uu ku dhintay gudoomiyihii gobolka Nugaal ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegatay ururka Al-shabaab, waxaana wadooyinka magaalada Garowe iyo xaafadaha qaarkood lagu arkayaa ciidamo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan kuwaas oo hawlgalo ka fulinaya xaafadaha magaalada.

Goob joogayaal la hadlay Puntlandtimes ayaa sheegay in ciidamadu ay galayaan guryaha, hayeeshee hawgalka intiisa badan uu ka socdo agagaarka xaafadaha ku dhow dhow goobta uu ka dhacay qaraxii xalay.

Taliyaha ciidamada Booliska Puntland General Muxuyadiin Axmed Muuse iyo wasiirka arrimaha gudaha oo si wada jir ah warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay inay hayaan xogo ku saabsan qayb kamid ah qofkii is qarxiyey, kuwaas oo ay sheegeen in ay soo bandhigi doonaan dhawaan.

Jawiga magaalada Garowe ayaa saaka ka duwan sidiisii hore, waxaana magaalada buux dhaafiyey ciidamo badan, halka la nadiifiyey goobtii uu qaraxu ka dhacay habeenkii xalay ahayd.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s