gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in dagaal beeleed u dhaxeeya laba malayshiyaad beeleed oo maalmihii ugu dambeeyey ka socday duleedka magaalada Kismaayo uu dib u qarxay

 Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in dagaal beeleed u dhaxeeya laba malayshiyaad beeleed oo maalmihii ugu dambeeyey ka socday duleedka magaalada  Kismaayo uu dib u qarxay.

Wararka ayaa sidoo kale intaas kusii daraya in dhawaqa rasaasta noocyadeeda kala duwan laga maqlayo duleedka magaalada, taas oo ay isku adeegsanayaan dhinacyada dagaalamaya.

In ka badan 50 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyootay colaadii muddo isbuuc ah ka taagnayd duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo kasoo kala jeeda dhinacyada dagaalamay.

Culimada iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku dadaalaya sidii loo joojin lahaa dagaalka, waxaana dhinacyada dagaalamaya ay dirirtoodu salka ku haysaa dhul daaqsimeed iyo aanooyin qabiil.

Maamulka Jubbaland ayaa baaq nabadeed u diray labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyo, waxaana xaalku uu yahay mid weli cakiran

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s