Wasiir Khadiija Diiriye oo deg deg Warbaahinta gurigeeda isugu yeertay iyo xaaladda oo meel xun mareysa

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa goordhow si deg deg ah isugu yeertay qaar kamid ah Warbaahinta Soomaalida, kuwaasoo xiligan xaadir ku ah hoygeeda.

Khadiija Diiriye ayaa ka carootay in garoonka Muqdisho Stadium uu noqdo goob lagu karantiilo 500 oo asksri oo ka yimid dalalka Jabuuti, Masar iyo Sucuudiga, kuwaasoo tababaro soo dhameystay.

Wasiirada ayaa xalay fiidkii hore si cad isaga diiday iney ogolaato talada ay soo jeediyeen guddiga loo xilsaaray la tacaalida xanuunka Covid19, iyadoo guddigan uu madax u yahay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre

Lama oga inuu wax isbedel ah ku yimid mowqifkii Wasiirada, waxaana si weyn isha loogu hayaa waxa ay diirada ku saari doonto shirkeeda jadmraa’id ee saaaka Caasimadda ku qabaneyso.

Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta Xaldoon.Net ayey ku ogaatay in Wasiirada ay si cad isaga diiday cadaadisyo fara badan oo uga imanayay madaxda sare ee dalka, iyadoo waxyaabaha ugu daran ee ka careysiiyay ay qeyb weyn ka tahay inaan wax la tashiyo ah lagala sameyn talaabada la qaaday.

Si kastaba, Agaasimaha Wakaaladda dhismaha Qaranka, Mas’uuliyiin ka socday Ciidanka Asluubta iyo Gobolka Banaadir ay shalay Shaaciyeen in goobtaasi ay noqon doonta goobaha karantiilka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s