Dagaal xoogan oo u dhaxeeya laba Maleeshiyo beeleed ayaa maanta waxaa uu markale ka qarxay Deegaanka Furinta-foore Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud uu la wadaago dalka Itoobiya.
Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona la soo warinayo in khasaaro xoogan uu ka dhashay dagaalkaasi.
Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in dagaalka uu socdo, islamarkaana dhinacyada dagaalamaya uu soo kala gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaraaha rasmiga ah.
Dagaalka ayaa waxaa uu salka ku hayaa aano qabiil.
Cabsi xoogan ayaa soo wajahay dadka deegaanka ee ku nool xadka ay wadaagaan gobolka Galgaduud iyo itoobiya.
