Ciidamo la wareegay ammaanka deegaano ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleed

Ciidamo isugu jira Boolis, Nabadsugid iyo Milateri ayaa la wareegay ammaanka deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed.

Deegaanadan oo lagu magacaabo Balicade, Furinta-Foore iyo tuulooyin ku dhow xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed

Ciidamada ku baxay deegaanadaas ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Nabadsugida qeybta Galmudug, waxaana ay kala dhex galeen maleeshiyaadka dagaalamay.

Taliyaha Nabadsugida Galmudug ayaa sheegay in ciidamada la geeyay deegaanadaas ay ku sugnaan doonaan illaa lakala qaado maleeshiyaadka, lagana gaaro colaada xal waara.

Deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxaa sidoo kale gaaray Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo ka qeyb qaadanaya xalinta dagaalka iyo heshiisiinta beelaha dagaalamay.

Deegaano ka tirsan gobolada dalka ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacay dagaal beeleedyo dad badan ku dhinteen, waxaana meelaha qaar ka dhacay falal aad looga argagaxay oo ahaa dad la gubay oo muuqaal laga soo duubay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s