R/wasare Hasan A Zkhayre oo amray in lacag lo qaybiyo Dowlad Goboleedyada Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Feedraalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa amar ku bixiyay in dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir si degdeg ah lagu gaarsiiyo lacago ay u adeegsadaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka Covid-19.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo caawa guddoomiyay kulanka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 oo ku qabsoomay mareegta Internet-ka, ayaa wasaaradda maaliyadda ku amray fudueynta min hal Miyan oo doollar oo si degdeg ah lagu gaarsiiyo maamullada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ciribtirka caabuqan.

Wasiirrada caafimaadka dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulanka ka qayb galay ayaa soo bandhigay warbixinno la xariira xaaladda COVID-19 ee deegaannadooda iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin, waxayna soo dhaweeyeen tallaabada uu Ra’iisul Wasaaruhu qaaday, iyaga oo xusay inay wax badan ku soo kordhin doonto dadaallada billowga ah.

Xigasho Talefashinka Qaranka

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s