Sheekh Shaakir oo afka furtay fashilayna qorshaha dowladda ee Galmudug

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaamiyaasha ururka Ahlusunna ee deegaanada Galmudug ayaa ka hadlay khilaafkii ka dhashay doorashadii Dhuusamareeb iyo khilaafkii sababay inay la dagaalamaan dowladda Soomaaliya.

Sheekh Shaakir oo la hadlay Idaacadda Voa-da isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa marka hore waxa uu sheegay in uu halkaasi u joogo sidii uu arrimaha Soomaaliya uu kagala hadli lahaa xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya iyo Jaaliyadda Galmudug ee ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Sheekh Shaakir oo wax laga weeydiiyey khilaafkii soo kala dhex galay dowladda Somalia ee sababay inay Dhuusamareeb kasoo tagaan ayaa uu sheegay in iyagu ay doonayeen in la dhiso maamul loo dhan yahay, hayeeshee dowladda Soomaaliya ay ka baxday balantii.

”Anaga waxaan doonaynay in la dhiso maamul la wada leeyahay dowladda waa ay ka baxday sida dhabta ah waxaa waaye inay iyada ka baxday ujeedooyin gaar ah ayay ka leedahay, bale waxaan idiin sheegayaa in weli xubnaha kale ee maamulka Ahlusunna  ay ku sugan yihiin deegaanada Galmudug ayna difaacayaan” Ayuu yidhi Sheekh Shaakir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in markii dowladda ay la wareegtay deegaanada Galmudug ay guul arrintaasi u arkeen Al-Shabaab isla markaasna lagu arkay meelo ay hore u tagi karin dadka qaarna ay bilaabeen inay ka qaadaan lacago fara badan sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Shaakir ayaa waxa uu sheegay in iyagu ay yihiin kuwo mar walba tanaasula ayna jecel yihiin in la dhiso Galmudug mid ah taasna looga baahan yahay inay ogolaato dowladda federaalka Soomaaliya

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s