Dayaca ka yimid dhanka dowladda oo sabab u noqday in halmar 9 qof Covid19 ay Martiini ugu dhintaan.

Waxaa la soo sheegayaa in daryeel la’aan daran ka jirto Isbitaalka Martiini oo ay ku jiraan bukaanada qaba cudurka COVID-19, xalay oo kaliya 9 ruux ayaa ku geeriyootay Isbitaalka, kuwaasoo qaarkood neef qabatin u dhintay.

Sida la xaqiijiyay Xalay Isbitaalka waxaa ka maqneyd korontada muddo saacado ah taasi oo sababtay inay shaqeyn waayaan Mashiinadii Oxygen-ka ee bukaanada neefta siinayey,taasi oo sida muuqata ah dayacaad xooggan oo isbitaalka ka jirta.

Waa Nasiib darro in arintaas ay dhacdo waana halis weyn oo ay wajahayaan bukaanada isbitaalka lagu xareeyey oo markii horeba aan loo dajin siyaasad lagu maareeyo xaaladooda caafimaad.

Waxaa haboon in Koronto joogto ah loo helo isbitaalka dadka ku jira,si aysan ugu neef-qabatoobin bukaanadu markii Korontadu danto,Wasaaradda caafimaadku waa inay muujisaa taxadar oo aysan yareysan xaaladda dadka bukaanada ah ee gacanta ay ku hayso oo doorkeedu uusan kusoo koobmin wacyigalinta dadka caafimaadka qaba.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s