Ciidamada Itoopiya oo qirtay Iney Soo rideen Diyaaradii lagu Soo riday Bardaale

Warbixin loo diray Xafiiska Madaxa howlgalka Ciidamada AMISOM ahna Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidamada Itoopiya ee aan qeybta ka aheen Amisom ay soo rideen Diyaaradii African Express ee lagu soo riday agagaarka Garoonka diyaaradaha Magaalada Bardaale.

Inta la Xaqiijiyay waxaa diyaaradaasi burburtay ku dhintay ilaa 6 ruux oo Soomaali Iyo Ajaanib ahaa kuwaa oo Agab Caafimaad oo looga hor tago Coronavirus u waday Degmada Bardaale.

Kadib Burburkii diyaaradaasi waxaa qadka ku wada hadlay Madaxda Kenya Iyo Soomaaliya kuwaa oo meel isla dhigay in baaritaan dhab ah lagu Sameeyo cida ka dambeysay in lasoo rido Diyaarada oo hada ay qirteen Ciidamada Itoopiya ee aan qeybta ka aheen Amisom.

Ciidamada Itoopiya oo markii horeba looga shakisanaa diyaaradaasi Xamuulka aheyd iney soo rideen ayaa qirtay inee ka dambeeyeen toogashada Diyaaradaasi, balse ay uga shakiyeen in qaraxyo lagu soo xiray.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: