
Dagaal xoogan ayaa caweysnimadii xalay ka dhacay Degmada Hodan ee Bartamaha Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalku uu ahaa mid laga dareemay degmadaasi.
Dagaalka ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidamada Booliska iyo Militariga ee Dowladda Somaliya ka wada tirsan.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa dhaliyay dagaalka. Wararka qaar waxay sheegayan in labada ciidan ay kala shakiyeen, warar kalana waxaa ay sheegayan in Ciidamada Militariga ay rasaas ku furayn gaari ay la socdeen kuwa Booliska, sidaana uu dagaalku ku bilowday.
Labada dhinac ayuu dagaalka xoogiisu ku dhex maray xaafadda Soona Key (ZONE K), waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Illaa afar askari oo labada dhinac ah ayaa dagaalka ku dhintay, iyadoo tiro kalana ay ku dhaawacantay, waxaase jira warar khasaaraha intaa ka badinaya.